Nin shekh ayaa maalin dad wacdinayay Wuxuu ka sheekeeyay dagaalkii
Nabiga (NNKH), dhibka loogu gaystey ee ahaa DAGAALKII Uxud, markii uu
marayay meelihii uu dhaawacyada ka soo gaareen Nebiga uu u sheegayay
dadkii uu wacdinayay ayaa waxaa ka soo dhex baxay nin Reer baadiyo ah,
markaasuu sheekhii labada Indhood dharbaaxa u geliyey. Markaasuu yiri
Ninkii Reer Baadiyaha ahaa "Waadba joogtay oo waadba sheegaysaa
maxaad Nabiga dadka dhibka u gaysanaya aad uga celin wayday"
.jpg)