Kolkii soomaalidu Sucuudiga ay u shaqo tagi jireen, ayaa maalin maalmaha
kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo doon
ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay
gaadhigii saarnaadaanba gaadhigii baa kula dhacay meel god ah, ka dibna
waxaa naxay kii reer waqooyiga ahaa ahaa, wuxuunayidhi
Yaarasuululaahi!!, markaasaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu
bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, ku yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?.
Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan,
wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu
kula dhacay, Kolkaasaa kii reer koonfurka ahaa yidhi Shiikh
Cabdulqaadiroow!! Judhiiba kii reer waqooyiga ahaa oo cadho bakhtiisan
baa intuu dharbaaxo kadh ka siiyay ku yidhi war kii weynaa baa meel loo
la’ yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.
.jpeg)