November 11, 2015 ||
Waa sheekadii iyo maansadii ka dhalatay dhacdo jacayl gabnoobay oo ahayd sida tan;
Waxay ahayd 7;30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey magaalada Addis
ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo ahaa wiil dhalinyaro
ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji hillac,
hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala baxay kalgacal facwayn
oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo idil, taasna waxa sababay
jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay kalsooni badan oo niyad sami ku
dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo sida midhaha geedaha ku
abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax, gabadhaasi oo sida waqalka uga
heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi
“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE
OGAW”.
Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo xushmad wayn,
dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris, taas oo labadaba
fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii jacaylka,waxaana dhex yaalay
miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku indho kuulan jiray waxaanay
ahaayeen ,
dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,
waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku kalifay in uu
naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa dhigeedana ifraax
ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan ka dhigtaan isku mid.
Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama caawa caloosheenu
waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad cunaysaa caawa,
waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba qof oo labiska ama
huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo midabka iskaga mid ah,
jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee hadii ayna is arag saacad midba
dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka kale,AYAA WAATII HORE LOO YIDHI
DABAR IYO HOGAAN IYO DANI WAA SEETEE.
Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa waxa dhoof u soo baxay ifraax, nasiibkaa mid
udhawna waxa helay Deeq, oo waxbarasho jamacadeed u helay ADDIS ABABA,
ifraax oo u socota Denmark iyo deeq oo jamacad u tagay adiis, ayaa labaduba safarkii
gaadhi ugu baqoolay meel labadaba dantoodu ku xidhnayd.
waxa ay noqdeen laba nafood oo isku mid ah, oo isku milmay,daymada indhahaa isku
doogsade, sababtoo ah .DHAAYIHII IS JECELBAA DHAB AHAAN IS
RAADSHO DHAYAL UKALA JEEDSAN.
intii jidka lagu jiray qooraansi eegmada indhihii ayaa qaloocday, naf wax jecel ag
joogta waa u nasiib iyo naruuro, xawaaraha u jaraayo gaadhiga ay saran yihiin waxa
barbar socda, xawaaraha uu jaraayo wadnaha iyo dareenka deeq,waayo? Deeq waxa
uu u ogyahay safarkiisa inuu ku eegyahay adis ababa, balse ifraax tahay qof u
dhoofaysa dal shisheeye iyo dibad fog, is aragii dhaayuhu ku doogsan jireen ku
danbaynayo dhagaysi, qudheeda ifraax shidada iyo shawrka kalgacayl kuma yara, oo
iyaduba waxay ka fakaraysa jacaylkan safarka galay balse socdaalkii dhawaa
fogaanayo, waxay yimaadeen ADISABABA iyagoo umal iyo urugo jacayl, midba
gaarkii ula tiicayo,
hasa aahaatee may noqon laba qof oo xaafad wada daga, ifraax waxay dagtay booli,
deeqna waxa uu la dagay adeerkii oo caruurtiisa dhoofinaayay oo dagan xaafada la
yidhaah SHOOLA.
jacaylkii waxa durba soo food saaray duruufo lagama maarmaan ah. Ifraax waa qof
safar kale laga sugayo , oo markiiba waxa loo dhaqaajiyay xaraynta foomka fiisaha
iyo hawl safaaradeed, deeq laftiisa jacayl darani haku dagee, oo daruuro kalgacayl
xambaarsan dhibica sida mahiigaan ha ugu asqeeyaane, isna hawl ayaa sugaysa oo ah
inuu galo jamacada oo u baahan dariiq dheer, balse jacaylka uu u hayo ifraax ayaa ku
kalifay intay tagayso in aanu waxbarasho bilaabin waayo?
Waxa aad ugu mudan aragtida ifraax, hase ahaatee ifraax safaarada qacanta kuma
haysato, halka uu deeq maalinba waqtiga riixayo, oo uu adeerkii ku maawelinaayo
jaamacad I qancisa ayaan raadsanayaa ee dagdagu ma wacna,
waxaanu taas u samaynayaa waa firaaqo aad u heshid yartan ifraax ee lagu beeray
maskaxdiisa,ee sida geedka ka dhex baxday, ifraax dhankeeda dhibtu kuma yara oo
waxay qaadaysaa oo ay ku sugantahay,AMA DHAMAC KALGACALBAA I
DHALAALINAYSOO INTA’AAN LA DHOLANDHOLAY DHEXDU ILA
YARAATAY.
Hase ahaatee, tagitaankeeda waxa qabanqaabinaya abtigeed iyo walaalkeed,kuna raad
jooga ilaalinta iyo dhawarista ifraax, maadama dhulkani yahay mid shisheeye oo
dhaqan ahaan kala duwanahay, waxa deeq uu ku guulaystay in uu helo taleefanka
ifraax, waanu lahadlay salaam diiran oo kalgacayl dabadeed, waxa uu u sheegay in
galitaankii jaamacda u darted u hakiyay, maadama mardanbe oo ale qadaro mooyee
ay tahay aragii ugu danbeeyay, intaa markuu hadalkii marinaayo ayay tidhi, walaal
waan qiiro ooyay ee halkee ayaan kugu imaadaa.
deeq ayaa si naxarisi ku dheehantay ugu jawaabay , walaal anaa ku imanayee iska
joog, naf wax jeceli dhibanaa, deeq gaadhi ayuu kiraystay geeya xaafada ay daganayd
ifraax.
jacayl waayo badanaa ifraax dibada ayay ku sugtay, waana ay kulmeen bariido
qacmmeed, faraha la is dhaafsay waxay geeysay guri ay jaar ahaayeen, deeq waa lagu
sii diday oo kaarkii caashaqa ayaa ku sii fiday, waxa uu qaadayaa JACAYLKAN
DHULKAYGIYO HALKAN IGU DHIBAAYAAN DAL DHEER U
DHOOFINAAYAA.
waw, ifraax lafteedu ma dhawa oo waxay maraysaa “sidii aan u laab kacay ladi
waayay jiifkoo”, is warayste oo u sheegtay inay heshay fiisihii oo la siinayo laba
todobaad oo ah 14 cisho, intaasna ay wada xidhiidhayaan deeq waa u farxad marna
waa u naxdin waayo ?
jacaykisi ayaa helay nasiib wacan oo dhoof, marna waa uu murugo, oo ifraax xasuus
uu qalbiga ka daawado mooyee isarag imika waa gabaabsi waxaase u leeyahay
“dhawristeeda oo qudhaan ayaan dhawr ku qadayaa”, oo agjoogeedu guul iyo farxad
ugu filan, waana uu ku hambalyeeyay waxaanu u sheegay in uu sugaayo, intaasna ay
xidhiidh taleefan iyo netka kuwada noolaadan, maalinkastana inta ay joogto
maagaalada u imanaayo si ILDOOGSI ugu noqoto, ifraax way ka aqbashay,
waxaanay tidhi “ADIGA IYO JACAYLKABA IDIN ILAAWI MAAYO’OO
WAAN IDIN TABAYAA”, maalintaa iyo maalmihii ka danbeeyaya waxay
noloshooda ku qaateen dharaaro macaan, oo midba midka kale uu mabsuudo,
balse , maalmihii sida badda caariday oo soo buuxsantay ayay dagnaan iyo lama filaan
ku soo idlaadeen, deeq caashaqu biyo dhig, dhinac walba kalgacaylku u dhaaf, ifraax
way laqabtaa dareenkaa hasa ahaatee farahaa ilaahay masimee,waxa qadarin badan oo
cishqigu ku wayn yahay waa deeq, waayo?
Isagaa laga tagayaa waxaaba lagaadhay dhoofkii, ifraax bulsho uu ku jirro deeq ayaa
sii galbisay,balse deeq meel uu maraayo isma oga, waxaabu ku sigtay inuu diyaarada
balaasha qabsado marka laga eego, sida uu u foofay iyo badwaynta jacaylka ee lagaga
tagay, waxaase niyada u dhistay ifraax oo tidhi, anaa kuu nool ee ha warwarin la isna
maca salaamee
ifraax oyday ,deeqna ilmee dhiig caashaq, duushay oo diyaaradii kacday,deeqna
isagoo dalanbaabiya ku soo noqoy halkuu daganaa, waagii bari, deeq qalbiga ayuu ka
daalanyahay , intaan xalay moodaayay in uu hurdo,,waxa uu saarnaa diyaaradii ay
ifraax raaxday, waa gataati dhac, xili barqo ah ayaan toosiyay, markuu indhaha kala
qaaday ayuu yidhi iifraax inoo gee, anoo dareensan waxa ka hadlinyaa in uu yahay
jacayl qoto dheer, oo qalbigiisa galay ayaan ku idhi
Saaxiib waataynu xalay anba bixinay markaasuu intuu soobaaday yidhi” alla waa
runtaa sxb sideen ahaa “ waxan ugu jawaabay “waa jacayl iyo caadkii” sadex casho
markay maqnayd ifraax ayay soo hadashay ayadoo kawaramaysa nabad qabkeeda
waana ay wada hadleen
Number uu kala hadlo ayay siisay, waana uu kala xidhiidhi jiray ,
Deeq waxa uu joogaa adiss oo ah, halkii jacaylku kaga dhoofay , waxa ay markasta
ishiisu qabataa , maalmihii ay wada joogeen dhulkay mari jireen , taasi hadaba waxa
ay deeq kadhigtay , maxbuus qalbiga uga xidhan ifraax oo waxa uu qaadayaa
“ADIGOO DALDHEER JIRAAN HALKAN KAA DAREEMAA IFRAAX
WAAN KU JECELAHAY”
Waxa uu bilaabay Tacliintiisii , hase yeeshee isaga ayaabay jaamacadi kafuran tahay
beerkiisa
Oo waxa ka ifaysa ifraax , oo marka aanay lasoo hadal waaba bastii oo balo ayaa ka
higle
Markuu la hadlana ma ah wiil buka oo waabu bogsadaa , waxaas oo dhana waxa
sababay caashaq , jacayl , iyo kalgacayl is urursaday oo guluf ku haya isaga
LAABI LABA U LA hadaba ninkii isku kari waa tacliin iyo taleefan ku hadal , waa
ifraax oo biixiyaha dhabarka howl yari ku baahday , waxa uu dhigay qalin kii
qalbigana waxa uu ku xardhay ifraax oo kaliya , nasiib daro’se waxay tahay ‘siduu
ugu lisay ugumay hambayn’
Ileyn waa gabadh yurub gashay oo jacayl kiiba way ka mashquushay
Isagiina ayada oo kaliya ayaabu ku mashquulsan yahay , maalinba maalinta ka
danbaysa waxa sii yaraanayay soo hadal keedii , deeqna wuu sii karaar qaadanayay
Waxa hadaba ku sii kordhay Dhamac kalgacayl oo adkaysi u diiday waxaana
qalbigiisa kadhex maaxaysa ifraax oo sida miiraale roob iyo weedhka hadba dhinac
kaga meeraysanaysa maskaxdiisa
Gantaal jacayl ayaa siwayn ugu dhacay markii ay ifraax anba baxday , waxaanu
noqday baal dabayli sidato iyo badwayn baaxaa dagaysa , waxa uu hadaba deeq
hamuun iyo hiirtaanyo uqabaa Hadalka ifraax
Balse iyadu sidii ay u baqooshay way yaraysay hadalkii uu u jeelanaa , hadaba deeq
waxa ku dhacay dareen cidlo
Waxaanu noqday maxbuus uxidhan gabadh aan xukun ku ridan oo dulman , Balse ilaa
imika deeq waa uu kujiraa Jeel caashaq oo aan lahayn Loyar iyo Maxkamad u dooda
Marka laga reebo aniga oo u caqli celin jiray Samir iyo dulqaadna fari jiray
Hase yeeshee ilayn waanadu madeeqdo Ruux jacayl ku wayn yahay Deeq iga diid
waanadii Balse Jacayl ayaa dardaray oo waxa uu yidhi
ADAAN DOOG JACAYL IYO KALGACAYL KU DAARINE MIYAAN DUNIBA
JOOGAA
SAAXIIB WAAN SILIC SOCDAAYE HADAL KAA IDAM QAAYEE IGADAA
WALAAL
Markuu Halkaa marinaayay ayaan go aansaday inaan raadiyo ifraax si aan ugu sheego
halka ay saaxib kay lamarayso dhibaatada jacay ee ku kaliyay satay
Nasiib wanaag waan helay ifraax , waxaan se odhaahdeedii kadareemay in uu
jacaylkeedu ku ekaa eriboodka (airport) sidaan anigu u maleeyay
Markaa waxaa halkaasi aan kadareemay in jacaylkii deeq iyo kii ifraaxba ku
kaliyaystay isla saxiib kay deeq marhadii lagaga tagay oon loo ogayn,
Hadaba ilayn lamaanahayni isjeclaa waxa kala fogeeyay war xuma tashiil , waxa ay
nasiibdaradu tahay in ay ifraax rumaysatay warxuma tashiil kaasi soo weeraray
Saxiibkay deeqna waa uu lasocday in lakala fogeeyay hadaba wakhtigaa saxiibkay
wuxu isku maaweelinayay hees aan midheheedii ka xasuusto,
CAKU LABA ISBARATOO
ISKU BOGOO ISKALA BAXAY
BOQOLKU IYO DHEERAAD
MARKUU BAAHAY XIISUHU
KALGACAYLKII SOOBAXAY
BISILYAHAY LACUNI LAA
ISBARIIDIN WAAYOO
BINI AADAM KALA DILAY
Bal hadaba kadis kani layaabkale ee dhacay dadoow ufiirsada
Isaga oo deeq ku hawlan heestani oo maskax diisa iyo qalbigu isku jiibinayaan ayaa
waxa soo dhacay taleefan aniga idoonaya saxiibkay deeqna uu I agfadhiyaa
Si dag dag ah ayaan u qabtay Waxanan ogaaday in ay tahay ifraax
Bariido aanu is waydaarsanay dabadeed waxa aan markiiba la boobay waano iyo
canaan isu jira , intaa kadib waxa aan taleefan kii ugu dhiibay deeq
Hadaba markii aan u fidiyay gacanta taleefanka saxiibkay waxa aan wajigiisa
kadareemay
Furfurnaan ,hididiilo , iyo rajo uu kadamacsanyahay soonoqodka ifraax intaa kadib
maxaa dhici doona
Deeq oo si dag dag ah u hadlaya ayaa yidhi ‘ walaal is daji cid aan adiga aduunka kaa
jecelahay majirto waxaa laguu sheegayna waa waxba kama jiraan ‘
Hase ahaatee iyadu dhag jalaq umay siin halkiina kama dabcin waxaanay ku
adkaysatay in wax yaalahaa looga soo tabiyay oo ilayn show ahaa inuu gabadh kale la
rafiiqay ay jiraan
Iyaduna fariintan ay waday ay ahayd uun inay kabaxday oo ay is fasaxaan
Intaas oo la is dhaafsaday kadib Deeq wajigiisu wuxuu isu badalay dhidid miidhan ,
murugo , iyo ciil kasoo if baxay wajiga saxiibkay deeq , waxaanu dirqi ku haleelay
intii aanay dhigin telefonka
IBAD BAADI BEERKAAD LABAXDAA BUKOODEE
Markii arinku halkaasi marayay gabal ayaa u dhacay deeq waxaanu ku muusanaabay
WEHELKA WEHELKAYGA CAASHAQA
LAWADAAGI JIRAY BAAN
WALI U YEEDHA
WAKHTIGII WACNAAYEE
IWAYDAARTAY BAAN
WALI XASUUSTAA
Hadaba aniga iyo saxiibkay deeq halkii ayaanu ku kala tagnay habeen kaasi isaga oo
aad u murugo iyo ciilba qaba
Waxa la isu soo noqday aroornimadii iyo fagaarihii asxaabtu ku kulmi jirtay
Asxaabtana waxa ku jiray qaybtii kashayqaysay isu dirka deeq iyo ifraax iyagoo ku
hadaaqaya erayo laga soo xigtay ifraax oo sumcada iyo sharafta deeq ku tumanaysa ,
halka uu deeqna marka laga waraysto ifraax uu erayo wanaagsan iyo amaan
kabixinaayay hase yeeshee markii ay erayadaasi dhawaca ku sii kordhinayay deeq
hadhiwaayeen kalatagistii ifraaxna ay kalmadahaasi kaga dhib bateenAyaanu habeen
qol isugu nimidnay aniga iyo saxiibkay deeq isagoo ay laabtiisa gubayaan kalmadihii
warxuma tashiilku
Wax uu jiif iyo joog xamili waayaba , mar ay goor sheegtu (sacadu) ahayd cabaara
2:30 kii habeenimo goobtuna tahay Ethiopia (adis ababa) ayaa aniga oo hurda waxa
aan ku toosay saxiibkay oo jiif iyo joogba xamili la oo kacaa fadhiisanaya
Deeq waxa uu markiiba qaatay Talefan I agyaalay waxaanan waydii yay cida soo
jeeda ee uu xiligan garaacayo , waxaanu ii sheegay in uu garaacayo ifraax
Runtii aniga waxa ay igu noqotay layaab dhibaatada saxiib kay uu la baaxaa dagayo
Deeq waxa uu garaacay ifraax , Talefan kii ayaanay ka qabatay , waxaanu ku yidhi
isaga oo cabsanaya
“ IFRAAX WALAAL WAA ANIGA WAA DEEQ, KUU MAAN SOO GARAACIN
INAAN KAA NIXIYO WALAL, XILIGAN AAN KU SOO GARAACAYNA WALI
WAXA AY KA TURJUMAYSAA JACAYL KA AAN KUU QABO, KUNA
ILAAWI MAAYO INTA AAN NOOLAHAY WAXANAN RAJAYNAYAA HADII
AAN IFKA ISU ARKI WAYNAY INAAN HOYGA AAKHIRO ISU ARAGNO,
WAXAAN SE KAA CODSANAYAA INAAD IGA DAYSO CEEBTA IYO
AFLAGAADADA TAASOO IGU KEENTA MARWALBA DHAAWAC
KAWAYN KII KALA FOGAAN SHEHEENU I YEELAY , WAXAANAN KU
FARXI LAHAA ADIGA OO AAN WEEDH SAN KAA MAQLO.
Intaa kadib deeq waxa uu isaga oon iyada jawaab kasugayn dhigay talefoon kii inta
kali ah eegubaysayna ay ahayd intaasi uu u qodobeeyay ifraax
Hadaba aniga oo lasocday dhibaatada iyo baaxaa daga ku kali ah saxiibkay iyo sida uu
xidhiidh koodu u kala go’ay , warxuma tashiilka weeraray ayaa waxa igu dhalatay
maansadan oo aan ugu magac daray HAATUF CAASHAQ waxanay ahayd sidan .
1.WAA HAATUF CAASHAQOO
HALKAAN U HOYDIYO
HEER KAAN KU SUGANAHAY
HAWRAAR KUUGU SHEGIYE
2.KOLAY WAAN HUBAAYOO
HADIMADA KALGACALKA
ANIGAA LAHOYDOO
IFKA UGA HULEELEE
IIGA HIILIN WAYDAY
HALISTAA JACAYLKEE
3.KOLKAAD I HAGRATEED
HALIIGAYSA BEERKEE
4.OGSOONOW HABEEN QUDHA
HAMIGAYGA LAABTIYO
KAMAAD HADHIN BOGAYGOO
HALBAWLAHAAD KU NOOLAYD
5.OO HANAQA IYO LAABTAAD
HADBA QAYB DAGTAAYOO
SIDA HILAACA KARANTII
KA HANQADHAA DUSHAYDEE
6.SIDAN HAYB SIGAAGII
HABOONEEY DARAADAA
NAFTA KUUGU HURAYEEN
U HIBEEYAY AWGAA
7.ADNA WAAD IHIIFTOO
MAAD HAGAAJIN QALBIGII
HANAQAAD JACAYL IYO
HOR ILAAH U TAAGNAA
8.RUUX HOGA XABAASHIYO
IIL HOOSE TAGAYOO
ABID KAA HADHAYNOO
KUU HARAADAN BAAN AHAY
9.HAYEESHEE IFRAAXEEY
HAMBALYIYO SALAAN IYO
HIBASHIYO XASUUS BAAN
KUUSOO HANEEYEE
10.KOLKA AAD HALEESHEE
HADALQAAD KA WAAYAHA
HAASAAWAHAA GUUD
DADKU KUGU HAYBSHAAN
11.HALKA AAN KAA XIGO
NAFTU KAMA HABAWDEE
HAWRAAR SAN TILMAANTAY
SI HUFAN U TABIYOO
12.NAFTAA HIRDOOGLIYO
MALAB HIBITIQAAYA
U HAYSAN ABIDOO
BARYO KUGU SOO HADHGALIYE
WAA ANIGA OO AH MAXAMED KHADAR
.jpg)
m.a mohamed khadar
ReplyDelete